| | 5 views

Barmuudo.com sawiro Cabsi Xoogan oo ka taagan Garoomada Diyaaradaha Kenya……

Jomo-Kenyatta

 

 

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in heegan buuxa la galiyay Ciidamada ilaalada ka haya garoomada waa weyn ee kuyaala dalkaasi, kadib markii la helay xog ku aadan in Al-Shabaab diyaarinayaan weeraro ay ku qaadaan garoomada Diyaaradaha dalkaasi.

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in ay heleen xog ku aadan in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay isku diyaarinayaan in weeraro ku qaadaan garoomada waa weyn ee kuyaala magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Xogta ay heleen laamaha amaanka Dowlada Kenya ayaa sheegaysa in 11-dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab loo diyaariyay in ay isku qarxiyaan diyaaradaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta iyo Garoonka kale ee Wilson ee kuyaala magaalada Nairobi

Koox kale oo katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa iyana la sheegay in ay qorsheenayaan in ay weeraro ka fuliyaan Garoonka Diyaaradaha MOI international Airport oo ku yaala magaalo Xeebeedka Mombasa .

Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in xogta lahelay ay muujineyso in Al-Shabaab qorsheeyeen in ay weeraradan fuliyaan horaanta bisha Marso, waxa ayna Dowlada diiday in ay faah faahin dheeri ah ka bixiso xogtan ay heleen laamaha amaanka dalka Kenya.

Amaanka garoomada waa weyn ee kuyaala dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana garoomada kuyaala Nairobi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amaanka garoomadaasi , waxaan jirta cabsi dadka lasoo daristay oo ku aadan in Al-Shabaab weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya.

Jomo-Kenyatta

Short URL: http://barmuudo.com/?p=20529

Posted by on Feb 29 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented