| | 0 views

Barmuudo.com Toogasho kadhacay Suuqa Bakaaraha ee magalada muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa maanta labo ruux oo ahaa burcad dadka ku dhici jiray Suuqa Bakaaraha toogasho ku dilay, iyadoo raggan ay qaati ka taagnaayeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Raggan ayaa dadka ku dhici jiray mooto, waxaana ay ahaayeen kooxo mararka qaar dhac ay geysanayaan u adeegsan jiray dareyska Ciidamada.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa qabtay ruux kale oo ka mid ahaa, koox burcad ahaa oo maalmihii u dambeeyay falal dhac ah ka geysanayay Suuqa Bakaaraha.

Howl galka Ciidamada Booliska ayaa ka dambeeyay markii cabasho ay soo gudbiyeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ku aadanaa dhac loo geysto goobahooda ganacsi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, waxaana ay noqoneysa markii u horeysay oo la toogto kooxo dhac geysanaya.

Suuqa Bakaaraha ayaa horay waxaa kooxo hubeysan uga geysteen dhac xarumo ganacsi iyo xawaalado sanado ka hor.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=20522

Posted by on Feb 29 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented