| | 2 views

Barmuudo.com Sawirro Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Hoggaamiyaha maamul goboleedka Somaaliyeed ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdia ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Wafdiga iyo Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa waxaa MAdaxtooyada Puntland ay kuwada qaateen kulan xasaasi ah.

Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimaha banii’aadantinimada iyo heer heerka ay ka joogta ilaalinta xuquuqda aadanuhu deegaanada Puntland arrintaas oo noqotay mid aad loogu ammaanay Dawladda Puntland qaabka ay u ilaaliso xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay wadashaqaynta ka dhexaysa hay’adaha qaramada midoobey ee Puntland kusugan iyo Dawladda Puntland waxaana la tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso wadashaqayntoodu isla markaana loo baahan yahay in lasii dardar geliyo wadashaqayntaasi.

Mudane Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimaha abaaraha ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada midoobey iyo Dawladda Puntland ay isaga kaashan lahaayeen gurmadka abaaraha, kaas oo ay dawladda Puntland mar hore bilawday.

Ugu dambayntii, ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq ayaa hambalyo u diray ciidanka maamulka Puntland oo dhawan dagaal adag la galay Al-shababkii weerar ku qaaday deegaanada maamulka Puntland.

Sawirro

1

2

3

4

5

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21127

Posted by on Mar 29 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented