| | 0 views

Barmuudo.com Dhagayso:Puntland oo weli ku adkeysaneysa Nidaamka 4.5

Hoggaamiye ku xigeenka dawlada Puntland Mudane C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland iyadoo si wayn loogu soo dhaweyey duleedka degmada.

Mudane Cameey ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada boosaaso wuxuuna sheegay in socdaalkiisan uu salka kuhayo labo arimood oo kala ah sidii maamulka gobolka Bari,Waxgaradka oo kala hadlay sugida amniga Puntland iyo xog kala qaadasho ku aadan dhanka abaaraha oo isa soo tarayso qaylo dhaanteedu.

Waxa kaluu ku sheegay socdaalkiisii hore uu ku tagay degmada Boosaaso inay diiwaan galiyeen 78 Tuulo oo biyo la,aan ka jirto maantana ay kor u dhaafayso 275 deegaan inta laga soo qaylinayo una baahan biyo iyo cunno.

Dhankale Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa ka hadlay shirarka ka socda magaalada Garowe kuwaas oo looga hadlay mowqifka Puntland ee doorashada Soomaliya 2016 wuxuuna xusay inay san jirin wax wali kasoo baxay shirkaasi uuna xiligan socdo.

Gaba gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay warar ay warbaahintu isla dhexmaraysay kuwaas oo ay ku daabacday baraha Bulshada ee ku aadan 4.5.

Hoos Ka Dhagayso Codka

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21136

Posted by on Mar 30 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented