| | 0 views

Barmuudo.com Wafdi Caalami ah oo gaaray Magaalada Garoowe

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Olgen Baker ayaa gaaray magaalada Garowe ee Xarunta Puntland, iyadoo lagu wado in Danjiruhu ku biiro wada hadalada u socda dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

Danjire Olgen Baker ayaa waxaa uu Madaxtooyada Garowe kulamo kula leeyahay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Danjiraha Turkiga kala hadli doono Madaxweyne C/wali Gaas sidii Puntland u qaadan laheyd nidaamka 4.5 oo ay horay u qaadacday.

Sidoo kale Danjire Olgen Baker iyo Madaxweynaha Puntland waxay ka wada hadli doonaan arrimaha abaaraha iyo sidii dowladda Turkiga gargaar u gaarsiin laheyd deegaano ka tirsan Puntland oo xaalado abaaro laga soo sheegayo.

Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maalmihii la soo dhaafay kulamo la lahaa Madaxweynaha Puntland ayaa wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo wali Puntland ku adkeysaneyso diidmadeeda ku aadan nidaamka 4.5, sidoo kale waxaa jira shuruudo ay ku xireyso qaadashada qodobkaas, kaasoo ah in Fadhiga Baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho.

Shirkii u dambeeyay ee looga hadlayay Hiigsiga ayaa lagu soo gaba gabeyay bishii hore dalka Turkiga, iyadoo waxyaabaha shirkaas ka soo baxay ka mid ahaa in Puntland lagala hadli arrimaha doorashooyinka, isla markaana ogolaato go’aanka dowladda Federaalka ku gaartay doorashooyinka sanadkan dhacaya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21142

Posted by on Mar 30 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented