| | 3 views

Barmuudo.com Maxaa ka cusub degmada Waajid ee gobolka Bakool

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo qeybiyay Saanad meleteri oo isugu jirta kuwo culus iyo kuwo fudud kuwaas oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wasiirka hub-ka-dhigista,dhaqan-celinta iyo Tababaradda maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Eelaay iyo Saraakiil ciidan oo gaaray Degmada Waajid ayaa askarta u qaybiyey hubka iyo rasaas loogu tallo galay in hareeraha iyo Wadooyinka Baydhabo iyo degmada Waajid looga sameeyo howlgalo amnia xaqiijin ah.

Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool ayaa waxaa go’doomiyey Alshabaab, waxaa gabi ahaan aan la isku haleyn karin wadooyinka Waajid iyo magaalooyinka waa weyn isku xiro.

Askarta maanta hubka loo qaybiyey ayaa waxaa la rajeynaa inay go’doominta ka qaadan shacabka Degmada Waajid oo muddo sanad badan ay Alshabaab ku hayaan go’doomin.

Ugu dambeyntii,Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo inta badan degmooyinkiisa laga saaray Alshabaab ayaa u muuqdo mid aan ka faa’ideysanin duruufaha saaciday isla markaasina aan diyaar u ahayn hourmarinta deegaanadiisa

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21146

Posted by on Mar 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented