| | 3 views

Barmuudo.com Maxkamad ku Taala Kenya oo Amartay Xariga Shaqsi Argagaxisanimo lagu Eedeeyay

Maxkamada ku taala dalka Kenya ayaa amartay xariga eedeeysane lagu eedeeyay in uu uruurinayay warbixino sir oo ku saabsan Kenya Itoobiya si uu ugu gudbiyo Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Maxkamada magaalada Mandheera ayaa manta oo saalaasa ah dhageeysatay in eedeeysane Mohamed Ali Korana oo kasoo jeeda Gobalka Rhamu ay xireen masuuliyiinta Itoobiya isla markaana loo gacan galiyay laamaha ammaanka Mandheera gobalka waqooyi bari xuduudka uu lawaado Itoobiya.

Korana ayaa lagu eedeeyay inuu aruurinayay warbixino sir ah oo uu siiyay Alshabaab si weeraro ay uga fuliyaan Wadanka Kenya gaar ahaan xuduudka uu la wadaago Soomaaliya.

Xeer ilaalinta uu hogaaminayay sarkaal ka tirsan Booliiska oo lagu magacaabo Charles Muita oo ka tirsan booliiska waxda ka hortaga argagaxisada amray in 7 maalin oo baaritaan ah la sameeyo.

Garsooraha degaanka Mandheera Duncan Mtai ayaa ogolaaday in kiiska la keeno 6-da Bisha April.

Laama ammaanka dalka Itoobiya ayaa waday dadaalo la sheegay inay uga hortagayaan argagaxisada,xilli weeraro isdaba jog ah ay alshabaab ka geeysatay Mandheera,magaalada dariska la ah ee Suftu eek u taala Itoobiya ayaa la sheegay in Alshabaaab marnaba aysan weerarin.

Kenya ayaa iminka waxa ay darbi 700 oo KM ka dhiseeysaa Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya,laga bilaabo Mandheera ilaa Kiunga oo xeebta ah si Alshbaab ay uga ilaaliyaan inay u gudbaan.

 

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21148

Posted by on Mar 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented