| | 3 views

Barmuudo.com Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay

Inta la xaqiijiyay Sideed Ruux ayaa geeriyootay oo uu ku jiro Xisaabiyaha guud ee Wasaarada maaliyada maamulka Puntland Siciid Yuusuf Gaadayare Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Waqooyiga magalada Gaalkacyo.

Gaari laga buuxiyay Waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray gaari uu la socday Xisaabiyaha waxaana las heegayaa in dadka geeriyooday ay u badan yihiin ilaaladiisa sida aan wararka ku heleyno.

Qofka is miidamayey ayaa qaraxa la eegtay Siciid Cali Yuusuf wuxuuna xiliga la qarxinayo taagnaa iridka hore ee Hotelka isaga iyo Xasan Ruux Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Galmudug,waxaana xiligaan kacsan xalada magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga oo ay maamulaan maamulka Puntland.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa xiligaan ku sugan ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ismiidaaminta ah ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in ay sidoo kale goobta ku sugan yihiin dadweyne farabadan oo u daawasho tegay halkaas.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21153

Posted by on Mar 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented