| | 5 views

Barmuudo.com Daawo Muuqaalka Madaxweyne Gaas”Waxaan u tanaasulnay Maslaxada Soomaali darteed”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in Puntland ay aqbasho nidaamka 4.5 iyo kulamadii 10-ka cisho socday ee ay la galeen Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ugu dambeyn laga soo saaray heshiis qodobo badan ka kooban.

Isagoo si toos ah shacabka reer Puntland ugala Hadlayay Telefishinka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in saddex qodob midkood ay ka dambeysay inay aqbalaan nidamaka 4.5.

C/wali Gaas ayaa qiil ka dhigtay in hadii ay qaadan lahaayeen labada qodob kale midkood ay Puntland geli laheyd buuq siyaasadeed dhexdeeda ah, iyadoo lagu jiro waqti xasaasi ah, isla markaana ay wiiqanto midnimada iyo wada jirka reer Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskan uu sare u qaaday maqaamka yo miisaanka siyaasadeed ee ay leedahay Puntland, isla markaana uu heshiiskan uu horseedo in 2016 uu dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah sida uu yiri.

Heshiiskii Puntland iyo dowladda Federaalka ayaa ahaa mid abuuray shakiyo iyo jahwareer, iyadoo dadka falanqeeya siyaasada ay sheegayaan in heshiiskan uu awood badan siinayo Puntland, balse waxaa su’aal ka taagan tahay qaabka uu ku dhaqan geli karo, maadaama heshiisyo horay u jiray ay noqdeen kuwo aan waxba ka dhaqan gelin.

 

Hoos Ka Daawo Muuqalka

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21273

Posted by on Apr 6 2016. Filed under VIDEO, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented