| | 0 views

Barmuudo.com Dhagayso Dad dilal ka geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen Koox Hubeysan oo Degmooyinka Hodan iyo Dharkenley ku dilay Labo Dumar ah mid kalena ku dhaawacay.

Gen. Cali Gaab ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Ciddii ka dambeysay Dil Degmada Hodan loogu geystay Haweeney Waayeel ah oo lagu dhex dilay Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Seybiyaano iyo Koox Mooto watay oo doonayay in ay dhacaan Mooto Bajaaj islamarkaana dil iyo dhaawac u geysay Labo Gabdhood oo Walaalo ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayuu sheegay Taliyaha in ay Gacanta ku hayaan Dadkaasi ku howlanaa Falalka Amni daro islamarkaana Sharciga la hor keeni doono.

24kii  Saac ee la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Dilal loo geystay Dumar Soomaaliyeed,iyadoo Ciidamada Booliska ay leeyihiin waxaa gacanta lagu hayaa dadkii Dilalkaasi ka dambeeyay.

Hoos Ka Dhagayso Codka

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21455

Posted by on Apr 17 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented