| | 3 views

Barmuudo.com Faah faahin:Dhibaato ka dhacday qeybo kamid ah degmada Dharkeenley

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya Koox hubeysan oo qeybo kamid ah degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir ku dilay Haweeney halka ay ku dhaawaceen mid kale.

Haweeneyda la dilay iyo mida la dhaawacay ayaa waxaa la sheegay in ay saar nayeen Mootada nooca loo yaqano Bajaajta iyagoo ku sii jeeday goob ay ka shaqeeyaan.

Haweeney la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Fowsiyo Xasan Cilmi Barqadle waxana la sheegay in ay ka tagtay Sadax Caruur ah Haweeneyda la dhaawacday ayaa iyana lagu magacaabaa Shankarooon Xasan Cilmi Barqadle waana labo Walaalo ah.

Dhacadaas ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen dhalinyaro wadatay Mootada Labo lugoodka ah.

Sidoo kale waxaa dhaawac fudud uu gaaray darawalkii waday Mootada Bajaajka ah ay saar naayeen labada Hawenka ah ee isla dhashay.

Macadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkooda waxana warar hoose ay sheegayaan in ay sahqalo ka ahaayeen mid kamid ah Hoteelada ugu waaweyn magalada Muqdisho.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21453

Posted by on Apr 17 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented