| | 1 views

Barmuudo.com Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Gaari gacanta lagu dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa wuxuu ka hadlay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxaan oo ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya ay gacanta ku soo dhigeen.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa sheegay Ururka Al Shabaab inay doonayeen inay dhibaateeyaan Umadda Somaliyed, isaga oo tilmaamay shacabka Somaliyed in laga doonaayo inay Hay’adaha ammaanka la shaqeeyaan.

Duqa Muqdisho ayaa wuxuu sheegay Qof kasta oo Magaalada Muqdisho ku nool in laga doonaayo inuusan cabsan oo Hay’adaha ammaanka ay ku wargeliyaan waxyaabihii ay arkaan oo ammaanka qal qal ku ah.

Ciidamada NISA ayuu sheegay inuu aad ugu mahadcelinaayo, maadaama ay gacanta ku dhigeen gaarigaasi Waxyaabah Qarxa ka buuxeen.

“Waxaan u mahadcelinaynaa Hay’adaha Nabadgelyada oo xalay gubta ku qabtay gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo waxa aad aragteen ka buuxay, Nin raba inuu dadka laayo oo qaraxyo uu geysto, oo Adeerkaa, Walaalkaa, Walaashaa iyo Aabaha rabo inuu dilo waad aragtaan dhibaatada uu wado, Qofkasta maalintiisa ayuu dhimanayaa shacabka Nabadgelyada haka shaqeeyaan.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Gaarigaan iyo Waxyaabaha Qarxa ee ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen ayaa waxaa lagu haayaa xarumaha Baarista ciidamada ay ku leeyihiin Magaalada muqdisho.

Ururka Al Shabaab ayaa dhowr mar gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku qarxiyay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21460

Posted by on Apr 18 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented