| | 3 views

Barmuudo.com Tahriibayaal ay Somaali ku jiraan oo geeriyooday

In ka badan 400 oo tahriibiyaal ah ayaa doonyo ay la socdeen waxaa ay kula degtay badda Mediterranean oo u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kadib markii afar doomood oo si xad dhaaf ah loo raray ay ay ku degeen badaasi kuwaas oo ka yimid dalka Masar kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

Tahriibiyaasha ayaa la sheegay in ay intooda badan ay ahaayeen dad Soomaali ah oo dhalinyaro u badan inkastoo ay ku jireen kuwo u dhashay dalal kale sida Ehtiopia iyo Eritrea.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xaqiijisay in doonyaha ay dadka Soomaalida ah la socdeen ay degtay isla markaana aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee la socday doonyaha.

Wararka ayaa sheegay in 29 ruux ay ka badbaadeen doonyaha ku degtay badda Mediterranean

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in tirada soomaalida ku dhimatay ay ka badan tahay walow aan si waagsan loo xaqiijin karin arintaas maalmihi ugu dambeyay waxaa tahriibayaasha soomaalida ay ku qulqulayeen dalka masar si halkaasi ay uga sii baxaan iyagoona doonaya in ay tagaan dalka Taliyaaniga.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21458

Posted by on Apr 18 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented