| | 1 views

Barmuudo.com War deg deg ah Gaari goordhow la rasaaseeyay

Koox hubeysan oo wadatay Gaari Saaruf ah ayaa goordhow waxay gaari kale ku rasaaseeyeen qeybo kamid ah degmada Boondheere e gobolka Banaadir..

Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waxaa saarnaa labo Ruux halkaas ayaana ay u geeriyoodeen labadii Ruux ee Gariigoodii rasaasta lagu furay.

Qof kamid ah dadka deegaanka wax lagu rasaaseeyay ayaa sheegay in kooxdii wax dishay ay goobta isaga baxsadeen waxaa xiligaan meesha baaritaano ka wada cioidamo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya.

Dadka saarnaa gaariga la rasaaseeyay ayaa weli la garan waxay ytihiin waxana wararka qaar ay sheegayaan in ay ka tirsan yihiin dowladda Somaaliya in kastoo aan la cadeyn.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21466

Posted by on Apr 18 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented