| | 0 views

Shir socon doono Sadax Maalin oo maanta furmay

Shir looga arinsan doono awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayna soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya wasiirradaha arrimaha gudaha ee Maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Furitaanki shirka ayaa waxaa hadallo ka jeediyay wasiirrada arimaha gudaha ee Maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaasoo muujiyay ahmiyadda uu shirkani u leedayahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa kismaayo ka socon doona mudo sadex cisho ah iyadoona looga doodi doono awoodaha dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21468

Posted by on Apr 18 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented