| | 11 views

Daawo: Beesha Reer AwQudub oo qeyla dhaan soo saartay kaddib markii Suldaankoodii mid been abuur ah lagu bedelay

Odayaasha, Culama Udiinka, iyo dhallin yarada Beesha Reer AwQudub oo shir balaran ku yeshay magaalada Muqdisho aya si adag uga hor yimid qorshaha Abdirhamaan Kulmiye oo loo yaqaanno Abdirahmaan Dheere, Faarax Cabdiqaadir iyo Xasan Sheikh iska kaashadeen oo beesha AwQudub Suldaankoodii soo jireenka ahaa looga tiray liiska suldaamada soo xuli doona ergada dooranaysa Xildhibaannada Barlamaanka cusub.

Dhamaan odayaasha beesha waxay wacad ku mareen in Abdirahman Dheere usan dib dambe ugu soo noqonin baarlamaanka cusub oo ay soo dooran doonaan xildhibaan kale oo ku matala beesha golaha baarlamaanka cusub. Beesha Reer AwQudub oo isku duuban waxay dacwad ka dhan ah Abdirahman Dheere iyo Dam-Jadiid u direen Dhamaan madaxda DFS, madaxda Dowlad-Goboleedyada, IGAD, UN iyo Beesha Caalamka ayaga oo ka codsaday in Suldaankooda Suldaan CabdiCaafi Suldaan Cabdullahi Suldaan Mohamed Khalif lagu daro liiska suldaamada soo xuleysa ergada dooran doonta xildhibaanada barlamaanka cusub.

Waxay codsi kaas la mid ah u direen dhammaan shacabka Somaliyeed iyo qurbajoogta ka soo jeeda beesha in ay gacan ka geystaan sidii dulmigaan Abdirahman Dheere iyo Dam-Jadiid looga adkaan lahaa iyo sidii beesha Reer AwQudub ku heli lahayd xaqooda.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21568

Posted by on Jul 23 2016. Filed under VIDEO, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented