| | 1 views

Xubno ka tirsan Beelaha Mudolood &Hari daarood oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi

Kulan Balaaran oo ay yeesheen Beelaha Mudulood iyo Harti darood ayaa ka dhacay magaaladda Nairopi ee wadankaasi keenya,ayna ka qeey  galeen Siyaasiyiin, Waxgarad, Nabadoono, Aqonyahanno Saraakiil iyo Ganacsato iyo Xubno kale ayaa lagu qabtaya Hoteelka New sitiil ee magaaladda Nairopi.

Kulankaasi ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah eek u aadan xiriirka Soo jireenka ah ee ka dhaxeynjiray labadda Beelood muddo ka badan 56 sanno, iyo sdii derder loo gelin lahaa xiriirkaasi iyo sidoo kale in dib loo soo nooleeyo Dhaqankii iyo wada shaqeyntii ay horay u lahaan jireen iyo in lala xiriiro walaalaha kale ee danwadaagta ah ee somaaliyeed.

Kiulankaan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray in labadda beelood ay yeeshaan xirri dhaw iyowax wada qabsi ku saleysan isfaham iyo wada noolaasho qoto dheer iyo in boorka ;laga jaffo xiriirkii soo jireenka ahaa ee ay horay u lahaan jireen labadda beelood ee Mudolood iyo harti daarood, kaas oo hakad galay Burbirkii iyo qalalaasihii dalka ka dhacay mudadii ugu dambeeysay ee uu dalku ku jiray marxaladaasi

Xubnihii ka qeeyb galay kulankaasi ayaa sidoo kalre isla qaatay in kulankaan uu hor dhac u noqddokulana kale , kuwaasi oo ay is tuseen xubnahasi in lagu qabto Buntland,kismaayo iyo magaaladda muqdisho oo ah caasimadii dalka soomaaliya.

Intii uu socday kulankasi waxaa labadda dhinac ka hadlay xubno ay ka  mid ahaayeen dhinaca Hanti daarood Xaaji nabadon Maxamuud Xasan, Jeneraal Khaliif Ciise Mudden,Nabadoon Xamid Maxamed Xasan,Maxamed Maxamuud cadaami,dhinaca Mudoloodna waxaa ka mid ahaa Dr Cali Caddaawe, Daahir Maxamed Shiikh daahir dayax,Brof Xasan Xudubeey,Ganacsade Yuusuf Maxamuud Fooleey Xaji dool,Shiikh Inbraahim Cade,Ganacsade Macalin weli,Brof C/laahi Cali Xasan iyo Nabadoon Xaaji Muxudiin Xasan Afrax iyo xubno kale.

Xubnahaan ayaa guud ahaan waxaay sheegeen in ay lagamamaar maantahay in dib loo eego xirrikii iyo isfahamkii ka dhaxeyn jiray labadda beelood iyo sida ay laganmanmaar maan u tahay in boorka laga jaffo isla markaasna la xoojiyo xirrikaasi waxayna xuseean in kulankaan uu yahay mid fure u ah horumarka labadda beelood oo ay ka dhaxeyso guud ahaan wada shaqeyn iyo iskaashi walaalnimo si loo gaaro loona xoojiyo dhaqankii iyo ehelnimadii soo jireenka ahaa, waxayna ku baaqeeyn in kulankaan uusan noqon mid ku kooban magaaladda Nayropi ee dalka keenya balse  loo gudbo gudaha dalka si ay fursan ugu helaan dad badan oo si gaar ah ugu baahan in leeysa soo horfadhiisto ,taas oo ay sheegeen in ay ku jirto danta iyo maslaxadda labadda beelood ee walaalha ah.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21571

Posted by on Jul 24 2016. Filed under Photo News, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented