| | 2 views

Deeq Warsame Cilmi Deeq Gargareeto oo ah Musharax u taagan……………….

222222-150x150Deeq Warsame Cilmi Deeq Gargareeto oo ah Nin ka soo jeeda Gobolka Mudug si weyna looga yaqaano Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanada Galmudug ayaa Gaalkacyo kala kulmay soo dhaweyn ku aadan in Bulshada Reer Gaalkacyo iyo Guud ahaan Bulshada Reer Galmudug ay u baahan yihiin Shaqsi nuuciisa oo kale ah.

Mudane Deeq Warsame Cilmi Deeq Gargareeto oo la hadlay Bulshada Reer Gaalkacyo ayaa sheegay in haddii uu ku soo baxo Loolanka Xildhibaanimo uu Bulshada uu ka soo jeedo u qabanayo Arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin in ay helaan Biyo Nadiif ah,Caafimaad,Waxbarasho iyo Adeegyada kale ee Bulshada Muhiimka u ah.

Sodoo kale Mudane Deeq Warsame ayaa Gaalkacyo kula kulmay Odayaasha Beel weynta Cabdalle,waxaana ay u sheegeen in ay Garabtaagan yihiin.

Si kastaba Musharax Deeq Warsame Cilmi Deeq Gargareeto oo ah Nin Aqoonyahan ah islamarkaana dhalinyaro ah ayaa ka duwan Xildhibaano u ordaya Xilkaas oo ka soo jeeda Beesha cabdalle,kuwaas oo aan wax u qaban Bulshada ay ka soo jeedaan ee Magacooda ay ku tageen kursiga Baarlamaanka,balse Musharax Deeq ayaa og in Xilka uu u hayo Bulshada uu ka soo jeedo oo uu u gudanayo  sidii loogu talo galay.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21764

Posted by on Jul 30 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented