| | 3 views

Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay oo………………………

UN-Logo-300x276Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa ansixiyay, qaraar oggolaanaya in ciidammo boolis ah oo shisheeye la geeyo dalka Burundi .

Qaraarka ayaa shigaya in aan laga baaqsan karin ciidammo shisheeye oo la geeyo Burundi, waxaana golaha u gudbiyay dowladda dalka Faransiiska.

Golaha ayaa illaa iyo hada ogoolaaday, in Burundi la geeyo ciidan boolis ah oo tiradiisu ay gaarayso labo boqol iyo labaatan iyo siddeed askari.

Ciidanka oo dalkaas joogi doona muddo sannad ah ayay shaqadiisu noqon doontaa, xakamaynta  tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo la sheegay inay ka dhacaan qaybo ka tirsan dalkaas.

Dhinaca kalana, dowladda Burundi ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin, in dalkeeda la geeyo ciidan ka badan 50 askari oo boolis ah.

Dalka Burundi ayaa waxaa ka jira xasillooni darro siyaasadeed oo ka dhalatay, madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza oo horraantii sannadkii hore ee 2015-kii sheegay inuu mar saddexaad u tartamayo madaxweynenimada dalka Burundi.

Qalalaasahaas ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 100 qof, waxaana ku barakacay laba boqol oo kun oo kale.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21770

Posted by on Jul 30 2016. Filed under Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented