| | 2 views

Beesha Caalamka oo Cambaareysay Qaraxyadii………………….

16-1Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii maanta lagu weeraray xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

War Qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihiin falalka qaraxyada noocaan ah oo ay caadeysteen Al-shabaab in ay la beegsadaan, Xarumaha iyo goobaha kale ay ku badan yihiin dadka shacabka ah aan waxba galabsan.

Sidoo kale warka Qoraalka ah ayay ku sheegeen in ay xoojinayaan dib u dhiska Ciidaanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si Al-shabaab guud ahaan dalka looga saaro.

Waxa ay sidoo kale tacsi u direen Qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta dambi baarista ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Tirada guud dadka ku dhintay qaraxyada ayaa gaaraya 13 ruux oo todobo ka mid ah yihiin Raggii Shabaabka ka tirsanaa, maadaama labo ay isqarxisay, halka Shanta kalena la toogtay, sidoo kale lixda ruux ee kale ayaa kala ahaa hal Askari iyo Shan ruux oo shacab ah.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21790

Posted by on Jul 31 2016. Filed under Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented