| | 0 views

Wasiirka Amniga: “12 Qof oo ay 7 Al-shabaab yihiin ayaa dhimatay”

Ugu yaraan 12 Qof ayaa ku dhimatay weerar maanta Rag hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Danbi baarista ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ay waardiye ka hayeen Ciidanka Booliska ah.

Kadib markii uu dhamaaday weerarka ayaa waxaa halkaasi booqday mas’uuliyiin ka tirsa Dowladda Soomaaliya,waxaana ka mid ahaa Wasiirka Amniga.C/Risaaq Max’ed Cumar,Taliyaha Nabad Sugidda,Gaafow iyo Taliyaha Booliska Xaamud.

Wasiirka AMniga oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta CID-da ayaa sheegay in Dadka ku dhintay halkaasi ay ahaayeen 12 Qof oo 7 ka mid ah ay ahaayeen Raggii weerarka qaaday,halka 5ta kale uu ku sheegay Shacabkii goobta marayay.

Waxaa uu sheegay Ciidanka Booliska Soomaliya ah aysan waxba ku noqon weerarka islamarkaana ay fashiliyeen weerarkaasi ay Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Dambi baarista ee Muqdisho.

Wasiirka AMniga ayaa ugu baaqay Dhallinyarada ku jirta Al-shabaab in ay ka baxaan ,kuna biiraan Dowladda oo uu sheegay in ay cafis u sameyn doonto haddii ay ka baxaan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa Taladaadii la soo dhaafay weerar loo adeegsaday Labo Gaari ka fuliyay Xarunta Xalane ee AMISOM ay ku leedahay Muqdisho,halkaas oo ay ku dhinteen 13 Qof oo u badnaa Ilaalada xarunta la weeraray.

Al-shabaab ayaa sheegay in Dadkii weerarkaas fuliyay uu ka mid ahaa Xildhibaan hore,Saalax Nuux Badaabo oo 2010kii ku biiray Al-shabaab kadib markii uu ka goostay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu markaasi xubin ka ahaa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=21782

Posted by on Jul 31 2016. Filed under Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented