| | 2 views

DEG DEG: Shah Rukh khan oo Mareykanka lagu xiray

shah-rukhanXidigga aflaanta Shah Rukh Khan ayaa sheegay in uu ka xunyahay in saraakiisha garoonka caalamiha ah ee Los Angeles ee dalaka Maraykanku ay “xireen”.

Ma cadda sababta Khan loo xiray iyo inta uu xirnaa midna.

Safiirka Maraykanka ee dalka Hindiya ayaa raaligalin ka bixiyay xiritaanka wuxuuna sheegay in xukuumaddu ka shaqaynayso si aysan mardambe u dhicin arrintaas oo kale.

2012 Khan waxaa 90 daqiiqo lagu xiray garoonka White Plains oo u dhaw magaalada New York. Waxaa la sii diidaayay markii ay dhexgashay safaaradda Hindiya.

Khan oo Jamcihii u duulay Los Angeles ayaa Tweeterka ku soo qoray in uu fahmansan yahay ixtiraamayana sida ammaanka caalamku yahay haddana uu ka xunyahay in markaste la xiro.

Waaxda socdaalka ee dalka Maraykanku kamaysan hadlin arrintan. laakiin Nisha Biswal oo ah kaaliyaha arrimaha dibadda ee Maraykan u qaabilsan Koonfurka iyo bartmaha Aasiya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa ku dhacay ayna rrintaas oo kale la kulmaan xataa dublamaasiyiinta Maraykanku.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22007

Posted by on Aug 12 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Photo News, Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented