| | 1 views

Hull City Oo Guuldaradii Ugu Horeysay Xili Ciyaareedka Cusub Gaarsiisay Kooxda Difaacaneysa EPL-ka Ee Leicester City

SnodKooxda heerka labaad kaso dalacday ee Hull City ayaa guul ku bilowday xili ciyaareedka cusub iyadoo difaacdayaasha ay ku bilowdeen guuldaro, waana markii ugu horeysay oo koox difaacaneysa EPL-ka ay guuldaro ku bilowdo.

Robert Snodgrass ayaa gool qurux badan ku quusiyay Leicester City oo iska soo guday gool dhamaadkii qeybta hore hogaanka looga qabtay, goolka xidigii hore Norwich Ayaana ka dhigan mid kala diray wiilasha Renieri

Leicester City ayaa bilowgii ciyaarta xakameyn ku bilowday kubadda iyadoo aheyd kooxda mar walba si wacan u maamuleysay ciyaarta. Demarai Gray ayaana isku dayay kubadii ugu horeysay ee goolka lagu tuuro markii uu tijaabiyay shabaqa Hull City balse uma suuragalin da’yarka Foxes.

Huddlestone ayaa hormuud u ah ciyaartoyda Hull City ee mar walba damacsanaa intey ciyaarta socotay iney awood ku joojiyaan wiilasha socodka badan ee Leicester City, xidig walba ayaana cadaadis saarayay wiilasha Renieri kuwaas oo haatan noqday kuwa laga cabsado.

Leicester City ayaa fursad fiican heshay daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta markii Mahrez uu kubad fiican u gudbiyay Danny Drinkwater balse xiddiga reer England kooxdiisa ugama faa’ideyn kubadaas.

Jamie Vardy ayaa ka qasaariyay Leicester City kubad goolka u furneed markii uu goolhayaha Hull City Jakupovic dhulka dhacay, balse kubadii uu goolka aadiyay waxaa isku dhigay oo shabaqa ka badbaadiyay ciyaariyahanka Jake Livermore daqiiqadii 41-aad.

Hull City ayaa dhalisay goolkii ugu horeeyay ciyaarta iyo kii ugu horeeyay Premier League-ga markii ay shabaqa si wadajir ah usoo taabteen Hernandez/Diomande, labadaan ciyaartoy ayaana si fiican uga qeyb qaatay goolka koowaad markii ay labaduba qalaama-rogaalka ku lugyeesheen..

Qeybta Hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso Hull City oo lagu neynaaso (Tigers) waxeyna gooolkaas kaga mahad celinayaan ciyaartoydooda kala ah Hernandez/Diomande.

Labada kooxood ayaa qeybtii labaad kusoo laabtay ciyaarta iyadoon labaduba wax badal ah sameynin, Leicester City ayaana durba bilowday iney sameyso xawaare iyo cadaadis ay saareyso Hull City.

Rigoore ayaa lagu abaalmariyay daqiiqadii 46-aad Leicster City markii xerada dhexdeeda lagu riday Demarai Gray, Tom Huddlestone ayaana qaladkaas geystay, waxeyna timid 15-ilbiriqsi kadib bilowgii qeybtii labaad.

Leicester City ayaa barbaro heshay markii xidigeeda reer Algeria Riyad Mahrez uu gool u badalay rigooradii lagu abaalmariyay bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta.

Robert Snodgrass ayaa hogaanka u dhiibay Hull City markii uu kubad dhulka aan dhicin shabaqa Leicester City dhex dhigay daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta, Simpson ayaana kubadaas banaanka iska soo dhigay ka hor inta aysan u gacan galin Snodgrass..

Riyad Mahrez ayaa u dhawaaday inuu gaaro markii labaad shabaqa Hull City daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta markii uu goolka ku tuuray laad xor ah oo banaanka loo dhigay, balse qatartii waxaa badbaadiyay goolhayaha Hull City.

Labada Weerar ee Leicester City Musa Iyo Vardy ayaa si fiican kubadaha isugu baastay ka hor inta aan laga carqaladeyn kubadii uu Vardy damcay inuu la dhaafo daafaca.

Robert Snodgrass ayaa qalqal galiyay goolka uu waardiyaha ka yahay Peter Schmeichel markii uu laad xoogan ku tuuray, balse goolhayaha reer Denmark si adag ayuu isaga beeniyay kubadii.

Leicester City ayaa ku fashilantay iney barbaro la timaado ciyaarta iyadoo Hull City ay ugu dambeyntii guul ku gaartay 2-1, Renieri iyo wiilashiisa ayaana wajahaya xanuunka guuldarada xili ciyaareedka cusub.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22041

Posted by on Aug 13 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Ciyaaraha, Photo News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented