| | 2 views

Uganda oo laga codsaday in ay gacan ka geystaan Sugida Amniga Doorashooyinka Soomaaliya

Kismayo-100x70Ciidamada Booliska Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ayey dowladda Somalia ka codsatay in ay qayb weyn ka qaataan sugida dhinaca Amniga xilliga doorashooyinka dalka.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska  AMISOM ,Christine Alalo ayaa sheegay in ciidamadooda Booliska ay inta badan laamaha Ammaanka ee Dowladda Somalia ka gacan siiyaan dhinaca Amniga  isagoo intaas ku daray in ay diyaar u yihiin Booliska in  Somalia ay kala shaqeeyaan xoojinta Amniga xilliga Doorashada Madaxweyne ee Somalia oo ku beegan dhamaadka Bisha October ee Sanadkan.

Mr Alalo ayaa hadalkaasi jeediyay xilli tababar loo soo xirayey 100 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ee Howlgalka AMISOM oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ayaa xusay in Ciidamada Booliska ee AMISOM ay horay  Magaalada Muqdisho uga sameeyeen howlgallo Dhinaca Ammaanka ah oo lagu soo qab qabtay walxaha qarxa,Hub iyo Waxyaabo kale oo la doonayey in lagu weeraro Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa Madaxweynaha Somalia uu Ciidamada  Nabad Ilaalinta Midowga Africa iyo kuwa Dowladda Somalia ugu baaqay in ay iska kaashadaan sare u qaadida Amniga xilliga Doorashooyinka si ay uga hortagaan suura galnimada weeraro kaga yimaada dhinaca Al Shabaab.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22036

Posted by on Aug 13 2016. Filed under Photo News, Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented