| | 8 views

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Wargeysyada England Maanta Oo Sabti Ah Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wargeysyada-Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola ayaa soo jeediyey inuu shaki ku jiro mustaqbalka goolhaye Joe Hart, wuxuuse sheegay in mustaqbalka 29 sanno jirkaan reer England lagu go’aansan doono shardi ku xiran qaab ciyaareedkiisa. (The Guardian).

Guardiola ayaa soo xulan doona 34 sanno jirka reer Argentina Willy Caballero kaasoo ciyaari doona kulanka ay Sabtida horyaalka England Premier League ku wajahayaan kooxda Sunderland, sidoo kale wuxuu doonayaa goolhayaha Barcelona iyo qaranka Germany Marc-Andre ter Stegen, oo 24 sanno jir ah. (Daily Express).

Chelsea ayaa usoo bandhigtay kooxda heysata horyaalka Serie A Juventus fursad ay kula wareegi karto xiddiga qadka dhexe ee qaranka Spain Cesc Fabregas, oo 29 sanno jir ah. (Tuttosport – Dalka Italy).

Garabka qaranka Denmark Christian Eriksen, oo 24 sanno jir ah, ayaa sharad adag hordhigay kooxdiisa Tottenham si uu usii joogo mustaqbalka fog wuxuuna weydiistay mushaar 150 kun oo ginni ah Isbuucii si uu ugu saxiixo qandaraas cusub. (Daily Mirror).

Juventus iyo Inter Milan oo ka ciyaara horyaalka Serie A ayaana labaduba xiiso u qaba kubadsameeye Eriksen. (Daily Telegraph).

Garabka kooxda Crystal Palace iyo qaranka DR Congo Yannick Bolasie, oo 27 sanno jir ah, ayaa Isbuuca soo aadan u saxiixi doona kooxda Everton. (Daily Express).

Tottenham ayaa isku diyaarisay inay dalab 13 milyan oo ginni ah ka gudbiso xiddiga qadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon iyo qaranka Portugal Adrien Silva, oo 27 sanno jir ah, kaasoo ay sidoo kale dooneyso kooxda Everton. (L’Equipe – Dalka France).

Weeraryahanka Spurs Harry Kane, oo 23 sanno jir ah, ayaa sheegay in uusan farta ku fiiqi karin wixii ka qaldamay intii lagu jiray tartankii Euro 2016, oo uusan wax gool ah ka dhalin, wuxuuse sheegay inuu haatan wanaag dareemayo isla markaana uu diyaar u yahay xilli ciyaareedkaan cusub. (The Sun).

Seddax ciyaaryahan oo dhallinyaro ah una dhashay dalka England – 22 sanno jirka daafaca ka ciyaara Tyler Blackett iyo weeraryahanada James Wilson, oo 20 sanno jir, iyo Will Keane, oo 23 sanno jir ah – ayaa ka mid ah dhallinyaro la filayo inay xagaagaan ka huleelaan kooxda Manchester United ka dib markii xilka tababarenimo ee kooxdaan loo dhiibay Jose Mourinho. (Daily Mail).

Middlesbrough ayaa xiriir la sameysay kooxda Manchester United iyadoo ka dooneysa xiddiga qadka dhexe ka ciyaara Andreas Pereira. (Daily Mail).

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in xiddigaha Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez, oo labaduba 27 sanno jir ah, aysan ku dhoweyn inay qandaraasyo cusub koxda u saxiixaan laakiin wuxuu sheegay in uusan ka walaacsaneyn mustaqbalkooda kooxda. (London Evening Standard).

Dhanka kale, tababare Wenger ayaa kabtankiisa cusub ee Arsenal wuxuu u doortay kubadsameeyaha reer Spain Santi Cazorla kaasoo kooxda hogaamin doona xilli ciyaareekdaan 2016 illaa 2017. (Daily Star).

Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale aaminsan in dhowaan la arki doono ciyaaryahankii ugu horreeyey ee kubadda cagta ah kaasoo lagu iibsanayo 200 milyan oo ginni, laakiin wuxuu sheegay inay Gunners weli la tartami karto kooxaha cudud ahaan ka dhaqaalaha badan inkastoo aysan lacag badan ku qarash gareyn suuqa kala iibsiga. (Daily Mail).

Everton ayaa ku dhow saxiixa daafaca kooxda Valencia iyo qaranka Tunisia Aymen Abdennour, oo 27 sanno jir ah. (Deporte Valenciano & HITC).

Weeraryahanka reer England Saido Berahino, oo 23 sanno jir ah, ayaa u sheegay kooxdiisa West Brom inuu dhammeysan doono sannadka uga dhimman qandaraaskiisa inkastoo ay xiiso u qabaan kooxaha Crystal Palace iyo Stoke City. (Daily Mail).

Berahino ayaan loo ogolaan doonin inuu ka tago West Brom haddii uusan tababare Tony Pulis soo helin bedelkiisa ugu habboon xagaagaan. (Daily Mirror).

Aston Villa ayaa dooneysa weeraryahanka Chelsea iyo qaranka England Patrick Bamford, oo 22 sanno jir ah, si la mid ah xiddiga qadka dhexe ee kooxda Cardiff City iyo qaranka Iceland Aron Gunnarrson, oo 27 sanno jir ah. (The Sun).

Faloobka Liverpool iyo qaranka Italy Mario Balotelli, oo 26 sanno jir ah, ayaan ku biiri doonin kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ee Pescara xagaagaan, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxdaas Daniele Sebastiani. (Gazzetta World).

Daafaca Southampton Jose Fonte, oo 32 sanno jir ah, ayaa Manchester United ku tilmaamay mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn adduunka, wuxuuna sheegay inay sharaf u tahay in lala xiriirsho kooxdaan. (Mais Futebol & ESPN).

Tababaraha kooxda Stoke City Mark Hughes ayaa diyaar u ah inuu iibiyo daafaca qaranka Jamhuuriyadda Ireland Marc Wilson, oo 28 sanno jir ah. (Stoke Sentinel).

Watford ayaa dooneysa inay amaah kula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee kooxda iyo qaranka Brazil Kenedy, oo 20 sanno jir ah, laakiin daafaca Blues iyo qaranka USA Matt Miazga, oo 21 sanno jir ah, ayaa iska diiday fursa duu kula biiri lahaa kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt ka dib markii uu dalabyo amaah ah ka helay kooxo ka ciyaara horyaalka Premier League. (Goal).

Weeraryahankii hore ee qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic, oo 34 sanno jir ah, ayaa sheegay in laga yaabo inuu sii joogi Manchester United isla markaana uu usii ciyaaro seddax xilli ciyaareed oo kale. (Sky Sports).

Xiddiga qadka dhexe ee Tottenham Dele Alli, oo 20 sanno jir ah, ayaa xiran doona maaliyad ay dhabarka uga xardhan tahay ‘Dele’ xilli ciyaareedkaan, wuxuuna sheegay inuu sababo shaqsi ahaaneed isaga bedelay magaciisii hore ‘Ali’ oo uu dhabarka ku qoran jiray. (Tottenham Website).

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22039

Posted by on Aug 13 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Ciyaaraha, Photo News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented