| | 0 views

Faah faahin Weerarkii lagu qaaday Hotel SYL “Sawiro”

qarWaxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerarka Qaraxa loo adeegsaday ee barkhanimdii maanta lagu qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyda Soomaaliya.

Xilliga weerarka lagu qaadayay Hotelka SYL ayaa waxaa ka socday shir looga hadlayay amniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo wariyeyaal ka howlgala warbaahinta Qaranka oo halkaasi ku sugnaa.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Dhismaha Hotelka SYL iyo sidoo kale Guryaha halkaasi ka agdhowaa.

Inta la ogyahay in ka badan 15 Qof ayaa ku dhimatay Qaraxan halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 40 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

al-shabaab oo war qoraal ah ku soo qoray baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

112233

02

04

07

03

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22286

Posted by on Aug 30 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented