| | 0 views

Wasaarada Amniga oo ka hadashay amniga Hoteelada Muqdisho

amniWasiirka Wasaarada  Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya  Cabdirisaaq  Cumar Maxamed oo ka hadlay ammaanka Hotelada Muqdisho, ayaa sheegay hadii Maamulka Hoteelada aysan xaqiijin karin ammaanka dadka isugu imaanaayo Hoteelada in aanan loo baahneyn inuu sii furnaado Hoteeladaasi.

Waxa uu sheegay dhibaatada amni ee ka dhacda Hoteelada Muqdisho kaliya inaanan dusha loo saari karin Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse qayb ka mid ah dhaliisha ay leeyihiin masuuliyiinta Hoteelada.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay masuuliyada amniga Hotelada inay saaran tahay dadka Milkiilayaasha oo looga baahan yahay inay sameystaan ciidamo gaar ah oo amniga Hoteladooda xaqiijiya.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Milkiilayaasha Hotelada in ay ka taxadaraan dadka ku shiraaya hoteelada Amnigooda.

w/q: abdijibar bocor 

xafiiska warqabadka shabakada barmuudo muqdisho somaliya

Info barmuudo@hotmail.com

Tel: 0615749191/0615955027

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22318

Posted by on Aug 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented