| | 1 views

Wasiirka Caafimaadka “Dadka qaba dhaawacyada halista dalka dibadiisa ayaa loo qaadayaa”

qarBarmuudo.com/ Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) ayaa sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday dadka dhaawacyadooda halista yihiin ee ku waxyeeloobay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa bogaadiyay howsha dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo dadaalka ay u galeen bad baadinta dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii shalay.

 

“Dadka dhaawacyada halista ah ee dalka gudihiisa waxba looga qaban karin waxaa isku dayaynaa in dalka dibadiisa loo qaado, wixii awooda dowladda ahna ee gargaarka dadkaas ma hagran doono”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in si deg deg ah dadka dhaawacyadooda halista yihiin dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay banaanka Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana uu ka mid ahaa qaraxyadii ugu xooganaa ee soo mara Muqdishi.

w/q: abdijibar bocor 

xafiiska warqabadka shabakada barmuudo muqdisho somaliya

Info barmuudo@hotmail.com

Tel: 0615749191/0615955027

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22309

Posted by on Aug 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented