| | 0 views

Maamulka hiiran iyo shabeelaha dhexe odayaal dhaqameedkooda oo isku raacay in muqdisho lagu soo xulo xildhibaanada aqalka hoose

bjhhInta badan Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku raacay in Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka in laga soo xulo magaalada Muqdisho, kaddib kulan ay shalay Muqdisho kula yeesheen Guddiga doorashada.

Inta badan Madax dhaqameedyada labada gobol ayaa ku taliyay inta laga soo dhisayo Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo howshiisa ay ka socoto Jowhar, Xildhibaanada laga soo xulo magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee heer federaal Avv. Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in tala soo jeedinta Odayaasha ay qaadanayaan, hase ahaatee ay la xiriiri doonaan oday dhaqameedyada uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ku sugan Beledweyn.

“Waxaa intooda badan Odayaasha dhaqanka ee labada gobol soo jeediyeen inta maamulka laga dhisayo in doorashada lagu qabto Muqdisho oo ah dadka goboladaas ka soo jeeda, waxaa la xiriiri doonaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.

Sidoo kale Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu muhiim u yahay arrintan, oo aan looga maarmin taladiisa, isagoo xusay in sidii looga dhaadhicin lahaa ay u kaashan doonaan duubabka dhaqameedka kale ee ka soo jeeda labada gobol.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa horay ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inay yimaadaan Beledweyn, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin in Xildhibaan aan laga soo dooran Beledweyn aanu ka mid noqoneyn Baarlamaanka soo socda.

Xafiiska warqabad ee barmuudo.com ee muqdisho somalia

Email:info@barmuudo.com

Tell:0615749191/0615955027

Waxaa qoray abdijibar yusuf bocor

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22601

Posted by on Sep 26 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented