| | 4 views

munaasabada lagu shaaciye musharax nimada madax wey nihii hore ee somaliya oo haatan muqdisho ka socota

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabadii u dambeysay ee Munaasabada ku dhawaaqsita Musharraxnimada xilka Madaxweynaha ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Munaasabada ku dhawaaqista Musharraxnimada Madaxweynaha ayaa maanta ka dhaceysa Hotelka City Palace, iyadoo diyaar garow xoogan uu ka socday Hotelka tan iyo shalay, iyadoo lagu dhejiyay boorarka sawirada Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Kumanaan ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu wadaa inay maanta ka qeyb galaan munaasabada ku dhawaaqista Musharaxnimada Sheekh Shariif.shariif

Sheekh Shariif ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, khamiistii waxaa uu kulamo kala duwan la lahaa, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka iyo saraakiisha ciidamada, waxaana hoyga uu ka degan yahay Muqdisho uu ahaa mid mashquul ahaa.sheekh

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa doonaya inuu mar kale qabto xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamayaa inuu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad ee sida weyn loogu saadaalinayo xilkan.

Khudbadiisa ku dhawaaqista Musharraxnimo ayaa lagu wadaa in markii u horeysay kaga hadlo arrimaha siyaasada Soomaaliya, kaddib muddo afar sano oo uu ka gaabsanayay ka hadlida arrimaha Siyaasada.

madax weynihii hore ee somaliya ayaa ah shaqsi saameyn weyn lagu leh bulshada dhexdeeda.

Xafiiska warqabad ee barmuudo.com ee muqdisho somalia

Email:info@barmuudo.com

Tell:0615749191/0615955027

Waxaa qoray abdijibar yusuf bocor

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22597

Posted by on Sep 26 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented