| | 1 views

Raiisul wasaaraha somaliya kuma qanacsa ni xukunka dhalinyarada

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in Xukuumaddiisa aysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed ,madama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey.
“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini’aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaladd, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed aysan helin Cadaalad maadaama an fursad loo siinin in ay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.
Ra’iisal Wasaare, ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed kuwa ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun cadaalad ah .
“Dowladda India wan kala hadli doonaa dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxaan sidoo kale la wadaagi donaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay in xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid Cadaaladda ah, aysana xaq u helin Soomaaliyeed in ay helaan fursad ay isku difacaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.
Sharmaarke, ayaa qeexay in Xukumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixinayso sidii ay dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyadda Calamka ay u heli lahayeen xukun ku dhisan Cadaalad isla markaana ay qayb ka mid ah xukun kooda ugu qadan lahayeen Xabsiyadda ku yaalla Dalka.

Xafiiska warqabad ee barmuudo.com ee muqdisho somalia

Email:info@barmuudo.com

Tell:0615749191/0615955027

Waxaa qoray abdijibar yusuf bocor

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22604

Posted by on Sep 26 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented