| | 7 views

Allaha Unaxariistee Wariye C/casiis Xaaji Oo Muqdisho Lagu Aaasay

xaaji-150x150Waxaa Magaalada Muqdisho Aas loogu sameeyay gaar ahaan Dugsiga Sare ee Jeneraal Kaahiye Ex School Politicia Allaha u naxariistee Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali ( Xaaji) oo Gelinkii dambe shalay Kooxo Hubeysan ku dileen Magaalada Muqdisho.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb  galay qeybaha Bulshada Soomaaliyeed , sida Bahda Saxaafadda, Arday, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa kale.
Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka hadlay Madasha lagu aasayay Marxuumka ayaa ka tacsiyeeyaday Geerida Xaaji isagoo eebe uga baryay Naxariistiisa Janno.
Waxaana uu Macalimuu ku booriyay in falkaas uu qeyb ka yahay isku dayada lagu doonayo in lagu Aamusiyo Warbaahinta Madaxa banaan sidaas daraadeed Wariyayaashu ay Calool Adeeg sameeyaan.
Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud
( Abuukar Sky )  oo isaguna ka hadlay Madasha Aaska ayaa ka maamul ahaan Tacsi tiiraanyo leh u diray Ehellada iyo dhammaan Bahda Saxaafadda oo uu ka geeriyooday Xaaji.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa isna ka mid ah Masuuliyiinta ka tacsiyeysay Geerida Marxuumka.
Allaha U Naxariiste Xaaji ayaa Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ku dhashay sanadkii 1981-dii waxaana Saxaafadda uu ku soo biiray sanadkii 2002-dii.
Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun.
Xigasho:- Radio Shabelle

Xafiiska warqabad ee barmuudo.com ee muqdisho somalia

Email:info@barmuudo.com

Tell:0615749191/0615955027

Waxaa qoray abdijibar yusuf bocor

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22615

Posted by on Sep 28 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented