| | 5 views

madaxweynihii hore ee soomaali sheekh shariif sheekh oo maanta la kulmay masuuliyiin ka tirsan safaarada masar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ahna musharax u taagan xilka M/weynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa hoyga uu degan yahay ee magaalada muqdisho waxa uu kulamo kala duwan kula qaatay qaar kamid ah safiirada dalalka caalamka ee jooga magaalada Muqdisho, iyaga oo isla soo qaaday xaaladaha guud ee dalka iyo sida ugu wanaagsan ee doorashada qaranku ay u dhacayso.

Qunsulka Dowladda Masar u qaabilsan dalka SoomaaliyaTamer Safwat El-Mahdy oo saaka booqasho ku yimid guriga uu ka degan yahay Muqdisho M/weynihii hore shariif Sh Axmed ayaa ugu horeyn dhambaal hambalyo iyo salaan uu ka sido dowladdiisa usoo gudbiyay M/weynihii hore, isaga oo sidoo kalena uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey hoyga M/weyne Shariif.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah Masar iyo Soomaaliya, waxaana qunsulku uu faahfaahin ka bixiyay sida dowladdiisa ay uga go’an tahay taageerada ay lagarab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka ayaa ku amaanay M/weynihii hore Shariif Sh Axmed dadaalkii uu ugalay in Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarkii oo ay hesho dowlad rasmi ah, iyo in 45 sano kadib magaalada muqdisho lagu doortey M/weynaha jamhuuriyadda xilkana loogu wareejiyay si nabad ah, iyo sidoo kale dadaaladii balaarnaa ee dhinaca xoreynta dalka iyo soo celinta ammaanka iyo adeeggii dowladeed ee dalka.

Tamer El-Mahdy qunsulka Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku bogaadiyay M/weyne Shariif afar sano kadib in uu maanta u taagan yahay tartanka M/weynaha Soomaaliya oo dhici doona 30ka November ee sanadkan, isaga oo ku booriyay in madaxda soomaalida ay kala shaqeynayaan sidii loo heli lahaa hogaamiye karti leh oo samatabixiya dalka.

Ugu dambeyntii M/weynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa qunsulka uga mahad celiyay booqashada uu soo booqdey, wuxuuna u balan qaaday in ay dowladda masar oo ah dal soomaaliya saaxiib fog la ah ay kala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa iskaashi balaaran oo dhexmara labada shacab iyo labada dowladoodba.

Xafiiska warqabad ee barmuudo.com ee muqdisho somalia

Email:info@barmuudo.com

Tell:0615749191/0615955027

Waxaa qoray abdijibar yusuf bocor

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22627

Posted by on Sep 28 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented