| | 2 views

Puntland oo sheegtay in ay Al-Shabaab ku weerartay deegaanka Jeexdin

Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal ay  ku qaadeen deegaanka Jeexdin oo ay isku aruursanaayeen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo doonaayay in ay weerar ku qaadaan deegaanka maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka maamulka Punland oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay  in ay weerareen goob ay joogeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in aan magaciisa u isticmaalno warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidanka difaaca Puntland iyo sidoo kale saaxiibada caalamka .

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka la duqeeyay aysan aheyn Al-Shabaab ,laakiin ay yihiin dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamado ka tirsan maamulka Galmudug oo saldhig ku lahaa goobta la duqeyay.

Waxa xusid mudan in deegaanada Jeexdin iyo Godod ay inta badan ku dagaalamaan Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Al-Shabaab  gacanta kuma hayaan deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale guud ahaanba deegaanada ku yaalla Bariga gobolka Mudug.

Xafiiska warqabad ee barmuudo.com ee muqdisho somalia

Email:info@barmuudo.com

Tell:0615749191/0615955027

Waxaa qoray abdijibar yusuf bocor

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22618

Posted by on Sep 28 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented