| | 0 views

Sargaal ka tirsan ciidanka uganda oo alshabaab ey soo bandhigen iyo amisom oo arintaa ka hadashay

nkiojiojojUrurka Al-shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video oo uu ka soo muuqday Askari Ugandese oo ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM, kaasi oo ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku qabteen weerar ay bishii September ee sannadkii hore ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen Degaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose .
Askarigaasi oo lagu magacaabo Masasa M.Y. ayaa ugu baaqay dadkiisa inay gacmaha is-qabsadaan, isla markana ay la yimaadaan Xal isaga lagu sii dayn karo.
Askarigaasi oo ku labisnaa dharka Milliteriga Uganda waxa uu sheegay in qiyaastii 40 ilaa 50 ka tirsan Askarta Uganda lagu dilay weerarkii sannadkii hore ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeen Saldhiggii AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Jannaale.
Dhinca kale, Afhayeenka Milliteriga Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyey in Askariga ka  soo muuqday Muuqaalka Alshabaab uu yahay Askari ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Ma aysan soo bandhigin tallaabada uqorsheysan Uganda Askarigaasi gacanta ugu Jira Al Shabaab.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=22621

Posted by on Sep 28 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented