| | 20 views

Kooxda Jeenyo Oo Rigooreyaal Ku Garaacday Banadir SC, Goolhaye Mustaf Daahir Oo Indhaha Dadweynaha Is Tusay Iyo Kulankii Derby-ga Warta Nabada Oo Rigooreyaal Lagu Kala Qaaday

BARMUUDO.COM /Waxaa garoonka Koonis Stadium ee magaalada muqdisho ku soo dhamaaday tartankii xiisaha badnaa ee Genaral Daa’ud kaasoo in mudo ahba ka socday garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho waxaana kulankii finalka ahaa ee maanta ka soo qeyb galeen kumanaan taageeroyaal ah iyo madax ka tirsan xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madax ka tirsan dowlada federal ka soomaliya.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad ah iyadoo kooxda Jeenyo ay si dardar ah ku bilaabatay ciyaarta laakin bilowgoowdii ayaa noqday mid fashilmay markii ay kooxda Banadir Sports Club la hormartay goolkii kowaad ee ciyaarta.

Xidiga weerarka kaga ciyaara kooxda Banadir Sports Club ee Amiir ayaa shabaqa ugu shubay gool cajiib ah kooxda L.L.P Jeenyo kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

 

jeenyo

screenshot-32

Markale Banadir ayaa shabaqa soo taabatay markii uu xidiga lagu magacaabo Qeys ugu daray Jeenyo goolka labaad ee ciyaarta ka hor dhamaadkii qeybtii koowaad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 waxaana goolkaan si qurux badan oo dhex tuur ah u caawiyay kabtan Daadir Amiin Cali.

screenshot-7

screenshot-5

screenshot-6

screenshot-10
SOO LAABASHO: L.L.P. Jeenyo ayaa la timid goolkeedii koowaad ee ciyaarta waxaana shabaqa u soo taabtay xidiga Catoosh kaasoo kubada uu si cajiib ah kaga shaqeeyay shabaqa ugu dhaadhiciyay kooxda Banadir wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, waxaana lagu kala nastay 2-1 qeybtii koowaad ee ciyaarta.

screenshot-20 screenshot-21

MARKALE JEENYO: Kooxda Jeenyo ayaa markale dadaal sameysay waxayna la timid goolkeedii labaad ee ciyaarta markii uu ciyaariyahan MEEME Shabaqa ku hubsaday kubada koorno aheyd oo ay soo qaaday kooxdiisa.

screenshot-22

Goolhaye Mustafa Goalkeeper ayaa maanta si cajiib ah u sameeyay badbaadino layaab leh markii uu fursado cadcad ka diiday weeraryahanka kooxda Banadir ee Catoosh iyo kabtanka kooxdaasi Daadir Amiin Cali (Daada) kaasoo galabta sameeyay bandhiga ciyaareed cajiib ah.

screenshot-25

Kooxda Jeenya ayaa hanatay sadexdii final ee koobka General Daa’uud ee ugu danbeysay ee ay labada koox ku kulmaan.

screenshot-28

Sidoo kale labadaan koox ayaa markale ciyaari doona Super Cup ka dalka Somaliya ka hor inta aanan la bilaaban horyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaliya kaasoo furmi doona bisha November 10 keeda.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talo galay iyo waqtigii dheeriga ahaaba ku dhamaatay barbaro 2-2 ah, waxaana rigooreyaal ku kala baxay labada koox iyadoo ay koobka qaatay L.L.P Jeenyo kuwaaso rigooreyaashii ku adkaaday 4-1 waxayna u kala tuurteen sidaan.

screenshot-32

1- Daadir cawaale jeenyo (Gool)
2-Iimaan, Banadir Sports Club  (goool)
2- Meymaa, Jeenyo (Gool)
2-James, Banadir, badbaadin (Mustafa goalkeeper)
3- Eeney, Jeenyo (goal)
3-mustafa Maxwell, Banadir Sports Club, badbaadin  (Mustafa goalkeeper)
4- xasaasi, Jeenyo (goal)
XAFIISKA WAR QABDKA BARMUUDO EE DALKA INDIA/MUMBIA
W/Q AMIIN ABDULKADIR AMIINKA
infobarmudo@hotmail.com
roobleyare185@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23269

Posted by on Oct 30 2016. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented