| | 1 views

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay xaalada amniga ee gobolka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka hadlay xaalada amniga ee gobolka Hiiraan, isagoo balan qaaday in ciidamada booliska ay heli doonaan xuquuqdooda.

Guddoomiyaha oo shalay booqday xarumaha ciidanka booliska ayaa sheegay in la tayeyn doono ciidamada, si wax looga bedelo xaalada amniga ee gobolka.

Waxaa uu sheegay inuu horay u soo ahaa ciidan, isla markaana waxa ugu weyn ee uu sameyn doono ay tahay wax ka qabashada xaaladaha amniga iyo sidii ciidamada ay bil walba u heli lahaayeen mushaarkooda.

Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in ciidanka looga baahan yahay in akhlaaqdooda ay wanaagsanaato, si shacabka ay ugu kalsoonaadaan

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa todobaadkii hore xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyadoo xilkaas u magacaabay Cali Jeyte Cusmaan oo horay Xildhibaan u soo noqday.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23288

Posted by on Oct 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented