| | 0 views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Qaabilay Wafdi ka socda UNOCHA” Sawirro”

Madaxweyne Ku Xigeenka  Maamulka Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maanta 31 October, 2016 Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka tirsan hay’adda UNOCHA.

Saraakiisha uu Madaxweyne ku xigeenku ku qaabilay xafiiskiisa waxaa kamid ahaa Mr. Justin Brady oo ah madaxa hay’adda UNOCHA ee Soomaliya oo qaabilsan xafiiska kaalmada bini’aadanimada ee UN-ka iyo sidoo kale madaxa xafiiska UNOCHA ee Puntland Mr Francis iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cismaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa saraakiisha hay’adda UNOCHA kala hadlay arrimaha abaaraha oo ay maamulka Puntland hore ugu dirtay beesha caalamka baaq la xiriira sidii Puntland loogu soo gurman lahaa, maadaama ay qaar kamid ah deegaanada Puntland ka jiraan abaaro saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Puntland Ahna Ku Simaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay’adda UNOCHA uga mahad celiyey sida ay ugu howlan tahay inay ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan qaar kamid ah deegaanada Puntland.

dsc02049 dsc02056-1 dsc02056 dsc02063 dsc02068

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23278

Posted by on Oct 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented