| | 2 views

Shaacinta liiska musharixiinta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle oo dib u dhac ku yimid ka dib markii…..

Shaacinta liiska musharixiinta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii la isku qabtay beelaha iyo shaqsiyaadka liiskaasi ku soo baxaya.

Waxaa muran xoogan uu ka taagan yahay shaacinta Musharixiinta Aqalka sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle State iyadoo la filayay in maanta si toos ah loo shaaciyo .

Arinta hakinta liiska Musharixiinta ayaa ah mid salka ku heyso is qabqabsi la xiriira Beelaha laga sugayay in ay soo gudbiyaan oo isku heysta .

BEELAHA IS HEYSTA

Beelaha aan weli ka heshiin xubnaha loo qoondeeyay waxaa ka mida beesha Gugundhabe oo isku heysta, waxaana socdaal lagu doonayo in xubintaasi la siiyo beesha Baadicadde, iyadoo aanay taasi ogolaan beesha kale ee Jajeele.

Xubinta Beesha Shanaad loo qoondeeyay ayaa iyadana la sheegay inaan midna la siinin oo ay isku heystaan beelaha Shiidle & Saddex Cumar oo mid waliba doonayo in  looga haro.

Xubintii Beesha Ujeejeen loo qoondeeyay ayaa  iyadana waxaa ku heysta Beesha Sheekhaal oo dooneysa in musharax ka socda beeshaasi oo taageero ka heysta kooxda Damjadiid ay u wada tartamaan kursiga.

Kursiga Beesha Harti-Abgaal ayaa isaga xaalkiisa la sheegay inaan wax heshiis ah laga gaarin, inkastoo labada kursi ee Beesha Xawaadle la sheegay in loo qoondeeyay beelaha yaryar.

Kursiga Beesha Gaaljecel ayaa laf ahaantiisa heshiis lagu ahayn, iyadoo beesha culeys lagu saarayo inay uga tanaasusho beel kale, maadaama ay heysato xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku maqan yahay dalka Imaaraadka Carabta oo madaxda maamulada dalka looga yeeray.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23296

Posted by on Oct 31 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented