| | 0 views

Xaalada Goof-gaduud oo saaka degan iyo ciidamada dowladda oo dib u qabsaday

Xaalada deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dib ula wareegeen.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa muddo saacado ah gacanta ku hayay gelinkii hore ee shalay, markii ay dagaal kula wareegeen.

Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in ciidamo u direen deegaanka, isla markaana xaalada iminka tahay mid degan oo dib gacantooda ugu soo laabatay deegaanka.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa koofur galbeed iyo Al-Shabaab ayaa labo jeer deegaankaas ka dhacay.

Deegaanka Goof-gaduud ayaa qiyaastii 30 km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana deegaankaas uu amnigiisa muhiim u yahay magaalada Baydhabo.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23291

Posted by on Oct 31 2016. Filed under Arimaha Bulshada. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented