Home » October 30th, 2016 Entries posted on “October, 2016”

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Goofgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa kooonfur Galbeed Soomaliya oo iskaashanaya ay dib ula Wareegeen deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolkaas. Dagaalyanada Xarakada Al-shabaab oo saakay la wareegay deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolkaas ayaa la xaqiijiyay in duhurnimadii maanta ay ka baxeen deegaankaas islamarkaana ay saacado […]

October 30th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Beesha caalamka oo war kulul ka soo saartay dib u dhaca ku yimid codeynta aqalka hoose ee baarlamanka

BARMUUDO.CO- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan eedeymaha joogtada ah ee ku saabsan musuqmaasuqa lagu hayo geedi-socodka doorasho ee Soomaaliya iyo warbixinnada ku saabsan cabsi gelin soo noqnoqotay oo ay la kulmaan musharaxiinta quudarraynaya ka mid noqoshada baarlamaanka, […]

October 30th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Daawo Sawirro: Xus la yaab leh oo ka dhacay wadanka Mexico iyo warbaahinta caalamka oo hadal heysa

BARMUUDO.COM/ XASUUS la yaab leh ayaa ka dhacay magaalada Mexico city ka dib markii halkaas laga dhigay isu soo baxyo loogu dabaal dagayey xuska maalinta mowtada. Dadka xuska dhigayey ayaa waddooyinka la marayey buufinno iyo baambolayaal waaweyn. Saraakiisha ka shaqeeya hawlaha dalxiiska ee Mexico ayaa sheegaya in fikraddan ah in jidadka loo soo baxo ay […]

October 30th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Dhageyso:Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo beeniyay in Mooshin laga keenay Cali Gacal Casir

Barmuudo.com/Iyadoo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan 33 Mudane ay Mooshin Xilka qaadis ah ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa ka hadlay Mooshinkaas Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug. Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin ayaa sheegay in uusan jirin Mooshin […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Kenya: Darbiga xadka Somaliya 75 cisho ayaa lagu dhameystirayaa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay si deg deg ah u dhameystiri doonto derbiga ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya , si looga baaqsado weerarada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab. Dowladda Kenya ayaa qaadaysa tilaabo lagu dhameystiraayo 30 Km derbiga ay ka dhisayso Soomaaliya , sida ay sheegeen madax ka tirsan dowladda Kenya Jimcihii […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

ICRC oo sheegtay in 60,000 oo qof oo ka barakacay Gaalkacyo ay gargaar siisay

Barmuudo.com/Hay’adda  ICRC,ayaa sheegtay in gurmadkii ugu weynaa ee ay sameyso sanadkan ka fulisay Gobolka Mudug kadib markii sida ay sheegtay ay gaargaar gaasiisay 60,000 oo Qof oo ku barakacay dagaalka maamullada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray magaalada Gaalacyo. Hay’addu,warbixin ay soo saartay ayey ku sheegtay in dadka barakacayaasha ah la siiyay Baco,Dhar,Alaabaha cuntada lagu karsado,Mara […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Wasiirka Gaashaandhigga oo shir guddoomiyay shirka Ciidamada birmadka ee geeska Afrika

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shir guddoomiyay shirka sanadlaha ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Birmadka Geeska Afrika oo sanadkii hore la aas aasay. Shirkan oo ka dhacay dalka Burundi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada difaaca dalalka bariga Afrika, Taliyeyaasha ciidanka iyo saraakiil. Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Diini oo khudbad ka […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee Hirshabeelle oo maanta lagu dhawaaqayo

Barmuudo.com/ Liiska Musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo sida ay sheegeen Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in uu Maanta soo saaro liiska xubnaha u tartamaya xubnaha Aqalka sare ee gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe. Liiska Maanta lagu dhawaaqayo […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Madaxweynaha Puntland oo Maanta hortagaaya Baarlamaanka

Barmuudo.com/ Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada baarlamaanka Puntland  ay su’aalo ka  weydiiyaan xaaladaha kala duwan ee deegaanada maamulka Puntland. Arimaha Madaxweynaha wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah xiisada ka dhex jirta waxgaradka Puntland ee ku aadan ergooyinka dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose, dagaalka Magaalada Gaalkacyo , Qabsashada […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

QM oo War kasoo saartay deegaanadii ay ka baxeen ciidanka Itoobiya

Barmuudo.com/Qaramada Midoobey ayaa ka derisay xaalada ay kunool yihiin dadkii kunoolaa degmooyinka iyo sidoo kale deegaanada dhawaan ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya , islamarkaana gacanta u galay Al-Shabaab. Xafiiska Qaramada Midoobey  ee arimaha biniaadanimada OCHA ayaa sheegay in dadkaasi ay ku dhibaateysan yihiin meelo ka baxsan magaalooyinkii ay ka barakaceen ,islamarkaana aysan haysanin Cafimaad […]

October 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented