Home » November 30th, 2016 Entries posted on “November, 2016”

Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay Adis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow oo maanta Arbaco ah u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu yahay mid hal cisho ah. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Addis Ababa, kaasoo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo doorashada meel gaba […]

November 30th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Madaxweyne Trump Oo ka Hadlay ninkii Soomaliga Ahaa ee weerarka ka Geystay Jaamacadda Ohio

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ka geystay Jaamacad ku taalla Ohio uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu sii joogo. “Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii Jaamacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo”, ayuu yiri, Donald Trump […]

November 30th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Doorashada Hirshabeelle oo la hakiyay ka dib markii uu sookala dhex galay Qilaaf …..

Doorashadii ka socotay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleed Hirshabelle ayaa Maanta la joojiyay Gabi ahaanba,waxaana Amarkaas bixiyay Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal. Sargaal ka tirsan Guddiga Doorashada dadban ee Maamulka Hirshabelle ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu Amray in la joojiyo Doorashada Aqalka Hoose,waxaana uu xusay in Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ay […]

November 30th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Wasiir Maareeye oo Dacwad ka gudbiyay Boqorka Beeshiisa.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Magaalada Muqdisho maanta warbaahinta kula hadlay gaar ahaan xarunta CID-da ayaa waxa uu ka hadlay eedeyn loo jeediyay, waxaana eedeyntaasi ay ku aadaneyd in uu xiray mid ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi. Waxa uu sheegay wararkaasi in aysan waxba ka jirin oo […]

November 29th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Howlgal lagu soo qabtay Walxaha Qarxa.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa Howlgal ay sameeyeen waxa ay ku fashiliyeen Miino lagu aasay Garoonka Diyaaradaha ee Degmadaasi. Maamulka Degmada Bardaale ayaa waxa ay sheegeen Miinadaasi in lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda Federaalka. Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada […]

November 29th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Ciidamada Puntland oo Qarax Lagula Beegsaday Galgala

Wararka ka imanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta magaalada Boosaso ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday ciidamada badda ee Puntland. Qaraxan ayaa la sheegay inuu beegsaday baabuur ay ciidankaasi la socdeen, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Buuralayada Galgala ayey ku dagaalamaan ciidamada amniga ee Puntland […]

November 29th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Mid kamid ah Odayaasha 135-da Oday oo lagu xiray magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku xireen mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku jira Liiska 135-ta Oday ee wax kasoo dhisaya Dowlada Soomaaliya. Nabadoon Maxamed Jaamac oo katirsan Waxgaradka kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay xireen Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale oo […]

November 28th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Daawo Kuraasta Doorasahada Aqalka hoose ee maanta ka dhacday Magaalada Jowhar.(Sawiro)

Waxaa ka socota hoolka doorashada ee magaalada Jowhar cod bixinta doorashada Aqalka Hoose iyadoo maanta lagu soo dooranayo labo kursi. Kuraasta maana loo tartamayo ayaa ah waxaa ku tartamaysa 8 Musharax oo 2 kamid ah ay yihiin dumar. Afhayeenka Guddiga Doorashada Dadban ee Maamul Goboledka Hirshabeele Cismaan Maxamed Muqtaar(Baarey) ayaa sheegay in muddo saddex cisho […]

November 28th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka Caalamka | Read More »

Ciidamada isku hor fadhiyay Duleedka Baladweyne oo maanta toos loo kala qaaday.(Sawiro)

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay inuu kala qaado maleeshiyo Beeleedyadii Maalmahan ku dagaallamayay Duleedka Magaalada Baladweyne. Col: Cabdi Axmed Weheliye  oo ah afahayeenka gudiga amniga ayaa sheegay in ay goobta tageen iyadoo uu dagaalku socdo, isla markaana ay ku guuleysteen in ay kala dhex galaan. Wuxuuna sheegay inuu goobtu ku geeriyooday Hal Askari oo […]

November 27th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Yaab” Dowlada Itoobiya waxaan ka qeyb qaadaneynaa sugida Amniga Doorashooyinka Soomaaliya”

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso sugidda amniga doorashooyinka Soomaaliya, oo la qorsheynayo in bisha soo socota ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho. Raisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke oo  booqasho ku jooga dalka Itoobiya, ayaa waxa uu la kulmay Wasiirrka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom. Labada dhinac ayaa ka […]

November 27th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented