| | 2 views

Yaab” Dowlada Itoobiya waxaan ka qeyb qaadaneynaa sugida Amniga Doorashooyinka Soomaaliya”

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso sugidda amniga doorashooyinka Soomaaliya, oo la qorsheynayo in bisha soo socota ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho.

Raisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke oo  booqasho ku jooga dalka Itoobiya, ayaa waxa uu la kulmay Wasiirrka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorka Dowladda Itoobiya ee amniga Soomaaliya,in Soomaaliya laga caawiyo tababarka shaqaalaha Dowladda iyo xiriirka labada dal sidii loo horumarin lahaa.

Ra’isalwasaare Sharma’arke ayaa Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay ballanqaadka ay u sameysay,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Itoobiya ay fuliso Ballan qaadayada ay u sameysay Soomaaliya.

Waxaa ay Dowladda Itoobiya sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso amniga doorashada Soomaaliya si la mid ah saaxiibada Soomaaliya eek u howllan in arrintaasi nabad ku dhacdo.

Dowladda Itobia ayaa waxa ay hadda ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISSOM, oo dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale isaga baxay deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobalada Hiiraan, iyo Bakool.

Doorashada Soomaaliya ayaa 15 Cisho dib uga dhacday xilligii lagu ballamay oo ahayd in ay dhacdo 30-ka bishaan.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23852

Posted by on Nov 27 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented