| | 2 views

Mid kamid ah Odayaasha 135-da Oday oo lagu xiray magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku xireen mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku jira Liiska 135-ta Oday ee wax kasoo dhisaya Dowlada Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed Jaamac oo katirsan Waxgaradka kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay xireen Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale oo kamid ahaa Odayaasha 135-da oday.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in ciidamo katirsan Dowlada ay ugu galeen hotelka uu ka deganaa magaalada Muqdisho kadibna ku wargaliyeen Suldaanka in uu xiran yahay.

Nabadoonka ayaa sheegay in aysan ogeyn ilaa hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga loo geestay Suldaanka, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu sii daayo Suldaanka.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo Madaxda dowlada ayaan wali ka hadlin xariga la sheegay in loo geestay Suldaan Faarax Maxamuud oo kamid ah Odayaasha wax kasoo dhisaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23874

Posted by on Nov 28 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented