| | 0 views

Ciidamada Puntland oo Qarax Lagula Beegsaday Galgala

Wararka ka imanaya buuralayda Galgala ee Koonfurta magaalada Boosaso ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu qarax ka dhacay kaasi oo lala beegsaday ciidamada badda ee Puntland.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu beegsaday baabuur ay ciidankaasi la socdeen, waxaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah.

Buuralayada Galgala ayey ku dagaalamaan ciidamada amniga ee Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Hawlgallo milatari oo sannadkii hore ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa goobo ka mid ah buurakayda Galgala looga qabsaday  Al-Shabaab

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhinaca kale ciidamada Puntland ay kusii siqayaan magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen maleeshiyada taanbacsan Daacish.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23878

Posted by on Nov 29 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented