| | 0 views

Wasiir Maareeye oo Dacwad ka gudbiyay Boqorka Beeshiisa.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Magaalada Muqdisho maanta warbaahinta kula hadlay gaar ahaan xarunta CID-da ayaa waxa uu ka hadlay eedeyn loo jeediyay, waxaana eedeyntaasi ay ku aadaneyd in uu xiray mid ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Waxa uu sheegay wararkaasi in aysan waxba ka jirin oo ay yihiin kuwo sal iyo raad midna aan laheyn oo aan loo meyl dayin.

Dhanka kale Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dacwad uu ka gudbiyay Boqorka Beeshiisa, oo uu sheegay in arrintan uu wax ka wado.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23885

Posted by on Nov 29 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented