| | 0 views

Doorashada Hirshabeelle oo la hakiyay ka dib markii uu sookala dhex galay Qilaaf …..

Doorashadii ka socotay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleed Hirshabelle ayaa Maanta la joojiyay Gabi ahaanba,waxaana Amarkaas bixiyay Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal.

Sargaal ka tirsan Guddiga Doorashada dadban ee Maamulka Hirshabelle ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu Amray in la joojiyo Doorashada Aqalka Hoose,waxaana uu xusay in Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ay soo amreen.

Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Sababta loo joojiyay ay ka dambeysay Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Maamulka Hirshabelle.

Qilaafka ayaa sida la sheegay salka ku hayo Kursiga uu u tartamayo C/laahi Goodax Barre taasi oo ay shegeen Gudiga in uusan u tartami Karin Madaama uu ka mid yahay Mucaaradyada ka soo hoirjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh.

Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa gudiga u sheegay in uu yahay Muwaadin xaq u leh inuu ka qeyb galo doorashada taasi oo gudigana ay ka biyo diidsan yihiin.

Illaa hadda lama sheegin Xilliga  la fasaxi doono Dorashada Aqalka Hoose ee Hirshabelle oo Maanta la joojiyay.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23889

Posted by on Nov 30 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented