| | 0 views

Madaxweyne Trump Oo ka Hadlay ninkii Soomaliga Ahaa ee weerarka ka Geystay Jaamacadda Ohio

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ka geystay Jaamacad ku taalla Ohio uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu sii joogo.

“Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii Jaamacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo”, ayuu yiri, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku qoray.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ayaa inti uu ku jiray ololihiisa doorashada waxaa uu si cad Soomaalida dalkas ku nool ugu eedeeyey ehel u yihiin xagjirinta ayna qalad aheyd in dalkaas la soo dejiyo.

Weerarkan oo Jimcihii dhacay ayaa waxaa geystay wiil Soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdirisaaq Cali Cartan oo jaamacadaasi wax ka baranayay, isagoo dhaawacay sagaal ruux.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi oo 11 qof lagu dhaawacay.
Wakaaladda wararka xiriirka la leh kooxdaasi, Amaq ayaa sheegay in wiilkaasi 18 sano jirka ahaa ee bartay cilmiga ganacsiga uu ahaa Askari iyaga ka tirsan.

Masuuliyiinta federaalka ayaa horey uga digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u laayaan.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23892

Posted by on Nov 30 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented