Home » November 27th, 2016 Entries posted on “November, 2016”

Daawo Sawirada Doorashada Aqalka hoose ee maanta ka dhacay & Sedex Xildhibaan oo guuleystay.

Saddex kursi oo ka mid ahaa kuraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu tartamay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, Kursigii ugu horeeyay ayaa ahaa mid ay ku tartamayeen saddex musharax oo ka soo jeeda beesha Xawaadle(Cabdi Yusuf). Wareegii labaad ayaa waxaa ku  guuleystay Ganacsade C/risaaq Axmed Maxamed (C/risaaq Dheere) oo helay 28 cod, […]

November 27th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Wakiilka Qaramada Midoobay oo maanta Cadaado kula kulmay Madaxweynaha Gal-Mudug.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating  ayaa maanta kula kulmay magaalada Cadaado ee xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed. Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Danjire Keating ayaa waxa ay ka wadahadleen arrimo la xiriira doorashooyinka Aqalka Hoose iyo ammaanka magaalada Gaalkacyo. Kulankan ayaa si gaar ah […]

November 26th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay degaanka Sabuun ee duleedka Magaalada Jowhar.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay bar kontarool oo ay ciidamada Milatariga ku lahaayeen duleedka magaalada Jowhar gaar ahaan deegaanka Sabuun. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid dhulka lagu aasay waxaana ku dhintey saddex askari & haweeneey rayid ah halka halka labo kalana […]

November 26th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Madaxweynaha “Waxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray Jaamicada Farsamada Gacanta ee Boliteknico oo ah goobtii uu Madaxweynahu wax ku soo bartay, isla markaasna ka soo noqday Macalin oo uu qiimaha waxbarashada ka soo bartay. Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimada waxbarashada ayaa hoosta ka xariiqay sida noloshu u tahay waxbarasho. […]

November 26th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

C/laahi Maxamed Nuur oo ku guuleystay Kuraasta Aqalka hoose .

Doorashada aqalka hoose ee Barlamaanka Soomaaliya oo si habsamileh ugu socota magaalada Jowhar ayaa maanta waxaa ka dhacday doorasho tii ugu xiisaha badneyd ka dib markii hal kursi ay ku tartameen afar shaqsi oo magac ku leh siyaadda Soomaaliya. C/llaahi Maxamed Nuur, Bashiir Caddow Calasow, Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax, ayaa maanta ku tartamay […]

November 26th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Magacyada Xildhibaanada Aqalka hoose ee lagu doortay Jowhar

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta lagu tartamay afar kursi iyadoo doorashada maanta ay ahayd mid aad u adkeyd. Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa guuleystey doorashada Aqalka Hoose kadib markii uu helay codad gaaray 48 cod halka musharixii la tartamayay Cumar C/qaaddir Axmed uu ka helay 3 cod. Sidoo kale waxaa xildhibaanimadiisii adkeystey xildhibaan Cabdisitaar Cabdisalaan […]

November 26th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Wararkii Ugu Danbeeyey Qasaaraha Ka Dhashay Qarxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Maanta ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi. Gaari nuuca raaxada ah ayaa loo adeegsaday Qaraxa ka dhacay degmada Waabari. Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa ka dhacay Muqdisho tiro ka badan 13 qofna waa ay ku dhaawacmeen Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Beerta oo […]

November 26th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Akhriso: Magacyada Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Xildhibaanada Illaa Hada Lagu Doortay Baydhabo

Akhriso: Magacyada Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Xildhibaanada Illaa Hada Lagu Doortay Baydhabo.   Tr Magaca Beesha Xildhibaan 1.       Prof/ Maxamed Sheekh Cusmaan Mirifle/Eelaay Hore 2.       Fowziya Maxamed Sheekh Mirifle/Eelaay Hore 3.       Ibraahim Yarow Isaaq Mirifle/ Garwaale Hore 4.       Daahir Cabdi Cabdalla (Dr Go) Mirifle/Eelaay Cusub 5.       Shariif Maxamed […]

November 24th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

Xildhibaan Dhalxa oo ku guuleystey kursiga Aqalka Hoose ee Baarlamaanka doorashada ka dhacday Baydhabo.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka  socota magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ku guuleystey kursi ka mid ah Proff Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku guuleystey codad gaaraya 49 dhibcood halka uu musharixii la tartamayay  Maxamed Shuute Xuseen uusan helin wax codad ah balse […]

November 24th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

AMISOM “Waan dejinay qorshihii lagu weerari lahaa Shabaab”

Shir qaatay mudo Saddex maalin ah, kaas oo looga hadlayay amniga iyo waliba la dagaalanka Shabaab ee ku sugan Gobolada qaar ee Dalka ayaa dhexmaray saraakiisha Ciidanka Militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Shabaab looga saari lahaa Degaano iyo Degmooyin qaar oo ay ka joogaan Gobolada Dalka. […]

November 24th, 2016 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented