| | 4 views

Ilaa Afar haweena oo maanta ku tartamaya Magaalada Jowhar & XIldhibaanad hore oo la quusiyay.(Sawiro)

Mid ka mid ah xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka isla markaana hore u soo qabatay xil wasaaradeed Nadiifo Muxumad Cismaan ayaa loogaga guuleystey doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle.

Afar haween ah ayaa ku tartantay kursigii ugu horeeyay ee beesha Baade Cade iyadoo ay ku guuleysatay Faadumo Faarax Ibraahin(Qamar).

 

Haweenka ku tartamay kursigan ayaa waxa ay kala ahaayeen Faadumo faarax ibraahin, Nadiifo Muxumad Cismaan,Maryan Cabdulaahi Hilowle iyo Sacdiyo Muumin Cumar.

 

Wareegii hore ayaa waxaa ku soo baxay Faadumo Faarax Ibraahin oo 22 cod heshay,Nadiifo Muxumad Cismaan oo 14 cod keensatay halka ay wareegii koowaad ay ku hareen musharixiinta kala ahaa Maryan Cabdulaahi Hilowle oo heshay 11 cod iyo Sacdiyo Muumin Cumar oo heshay 3 cod.

 

Wareegii labaad oo ay ku tartameen Faadumo Qamar iyo Nadiifo Muxumad ayaa waxaa 37 cod heshay Faadumo Qamar halka Nadiifo Muxumad oo ahayd xildhibaanad hore ay ka heshay 15 cod.

 

Doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar ayaa waxaa weli la sugayaa illaa lix kursi iyadoo lagu soo kordhiyay hal kursi oo ay beesha carbeed leedahay.dsc02438 dsc02452 dsc02461 dsc02464 dsc02465 dsc02470 dsc02474

Short URL: http://barmuudo.com/?p=23943

Posted by on Dec 3 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented